Barlamaanka Dalka Sweden oo Ansixiyay Sharci Cusub oo Mushahar siinaya Waalidka iyo Dadka Qaar ee Shaqadooda uga joogay Corona

0
65

Xildhibaanadda Barlamaanka Dalka Sweden ayaa ansixiyay sharci dhawaan dowlada Sweden soo saartay oo dhigaya in mushahar ama magdhow la sii nayo dadka qaar ee xanuunka Corona u nugul sida dadka qaba xanuunada qaar ee ka baqaya in uu Corona ku dhaco hadii ay aadan Shaqadooda.

Dadka Shaqadooda ka joogaya ee heli kara lacagtan ayaa waxaa kamid ah dadka qaba xanuunada gaarka ah una nugul Corona iyagoo helaya magdhow la Xiriirto Xanuun ama jiro (sjukpenning) sidoo kale waxaa ku jira waalidka jooga gurigooda sababo la xiriira caruurta ay haystaan ee qaba cudurada gaarka ah.

Dadkaasi ayaa lacag ahaan maalin kasta waxay heli doonaan 800 oo ah Lacagta Sweden isla Markaana u dhow lacagta ay ka helaan goobta shaqada mudo 90 maalmood oo u dhiganta 3 bil, Dowladda Sweden ayaa ka fakareysa in la sii kordhiyo Bisha Setemper ee soo socta, kadib madama sharciga uu bilaabanayo Bsha soo socota ee Luuliyo Kowdeeda.

Dowlada Sweden ayaa Sharcigan cusub ugu talagashay lacag gaareysa 5.9 bilyan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here