Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ooka Badisay Kooxda Aston Villa

0
31

Chelsea ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka soo gaareen Astonna Villa xilli ciyaarta ay ku gacan sareeyeen wiilasha tababare Lampard

Guud ahaan Chelsea iyaga ayaa qeybtaas hore maamulyay kubadda dhan walibana waa ay ka sareeyeen Aston Villa kuwaasi oo dhankooda ku tiirsnaa kubadaha rogaal celiska ah.

Kaliya waxaa ka maqnaa in kubad haysashada u badalaan natiijo oo si fog u bartilmaameystaan goosha balse ma dhicin .

Dhowr kubad oo ay ku laadeen goosha Aston Villa waxaa ka hor istaagay goolhahayaha balse dhamaadkii iyaga ayaa laga nasxday

Ka dib kubad lagu laaday goosha Chelsea waxaa soo celiyay goolhayaha balse daafaca kooxda Lamprad si foojigan uma istaagin waana laga faai`deystay waxa uuna goolka dhashay daqiiqadii 42-aad ee dhamaadka ciyaarta

Tababare Lampard si xal u helo waxa uu sameeyay badal xilli daqiiqadii 55-aad uu soo giliyay Ross Barkley iyo Pulisic oo loo saaray Kovacic iyo Loftus Cheek

Chelsea kubad haysashada waxa ay ku keeneen goolka bar bar dhaca waxaana daqiiqaddii 60-aad u dhaliyay Christian Pulisic xilli mid labaad ay sii racaiyeen daqiiqadii 63-aad waxaana dhaliyay Olivier Giroud

Lampard oo saxay qaladkiisa qeybta hore waxa ay badaladda uu sameeyay keeneen in Chelsea si sax ah u tagaan afka hore Aston Villa

Ka dib dhacdooyinbkaas , Astin Villa waa ku adkeyd in ay halis giliso Chelsea waana looga badnaa maamulkam kubadda xilli kooxda Lampard ay raadinayene gool sedexaad .

Aston Villa waa is dhiibeen mana jirrin isku day ay sameynayeen xilli dhamaadkii guud ahaan ciyaarta u muuqatay mid yara degtay inkastoo mararka Chelsea sigayeen goosha Aston Villa waxa uuan tabbare Lampard daqiiqaidi 80-aad soo giliyay Abraham oo loo saaray  Giroud

Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay Chelsea guusha ku raacday xilli daqiiqadii 90-aad Chelsea  soo giliyeen Reece James oo loo saaray  Willian

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here