Hay`adda u dooda Xuquuqda Aadanaha oo Dowladda Maraykanka Ku Eedeysay in aysan dhab u Baarin Xasuuq loo geystay Shacabka Soomaaliyeed

0
31

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Mareykanka uusan si dhab u baarin waxyeelada rayidka kasoo gaara duqeymaha uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya ee ka dhanta ah Xoogga Al Shabaab.

Warbixin ka soo baxday xafiis goboleedka Human Rigts Watch ee Nairobi ayaa lagu sheegay in baaritaanka uu yahay mid hal dhinac ah, waxaana farta ugu fiiqdey laba dhacdo oo laga diiwaan galiyay 2-dii Febraayo iyo 10-kii Maaj, kuwaas oo ay sheegtay in shan rag ah, hal cunug ah iyo haweenay ay gabi ahaan ku geeriyoodeen.

“Ma jiraan caddeymo waafi ah oo qeexaya in bartilmaameedka milatariga Mareykanka uu ahaa Al-Shabaab,” ayay raaciyeen.

Laetitia Bader, agaasimaha HRW ee Geeska Afrika oo u warantay Anadolu Agency, ayaa daboolka ka qaadey in falalka Mareykanka ay u muuqdaan in ay xadgudub ku yihiin shuruucda dagaalada aduunyadda.

“Mareykanka si dhab ah uma baarin laba dhacdo oo dhowaan ay ku dhinteen dad shacab ah kadib duqeymo uu ka fuliyay Soomaaliya, taas oo u muuqata mid xadgudub ku shuruucda dagaalada caalamka,” ayay tiri.

Dhanka kale, taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaanan wali ka jawaabin eedeymaha hay’adda HRW.

Badi duqeymaha uu Mareykanka fuliyo Soomaaliya waxaa lagu bartilmaameedsadaa dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo maleeyshiyaadka Daacish ee ka howlgala qaybo kamid ah degaanadda Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here