Kooxda Kubadda Cagta ee Buyer Munich Xalay Ku Guuleystay Horyaalka Budisligaha Jarmalka

0
1409

Kooxda Kubadda Cagta ee Bayern Munich ayaa ku damaashaatay garoon madhan kadib markii ay hanteen horyaalkoodii siddeedaad oo xiriir ah.

Kooxda Buyer Munich ayaa Xalay la Ciyaartay Kooxda Kubadda Cagta Werder Bremen – oo uu horyaalka Jarmalka labo kulan oo u harsan.

Guushii 11aad ee tooska ah ee Bayern ee Bundesliga ayaa 10 dhibcood ka sareysa kooxda Borussia Dortmund, kuwaasoo seddex kulan u harsan.

Bayern ayaa ciyaarta ku dhameysatay 10 nin ka dib markii Alphonso Davies casaan la siiyay labo kaar oo hurdi ah.

Weeraryahanka reer Poland Lewandowski ayaa dhaliyay 31 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigan inuu la mid yahay rikoorka gooldhalinta hal xilli ciyaareed ee uu dhaliyay ciyaaryahan ajnabi ah ee horyaalka. Pierre-Emerick Aubameyang, oo hada jooga la jooga Kooxda Kubadda Cagta ee  Arsenal, wuxuu u dhaliyay 31 gool oo Bundesliga ah kooxda Borussia Dortmund sanad ciyaareedkii 2016-17.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here