Dowladaha Shiinaha Iyo Hindiya oo Dagaal Ku Dhexmaray Xuduuda ay Wadagaan Labadaasi Dal

0
22

Dowladaha Hindiya Iyo Shiinaha ayaa waxaa uu Dagaal Ku Dhexmaray Xuduuda ay Wadaagaan Labadaasi Dal. Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ayaa ku Geeeriyootay iska horimaad dhexmaray Ciidamada Dowladda Hindiya iyo Ciidamadda Dowladda Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan, sida ay sheegeen as’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Delhi.

Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.

Milateriga Hindiya ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.

Balse gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Hindiya ayaa ku eedeysay Dowladda Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.

Dowladda Shiinaha ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dowladdai ku eedeysay inay ciidamadeeda u soo tallaabeen dhanka Shiinaha.

Zhao Lijian oo u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in ciidamada Hindiya ay Isniintii laba goor ka soo tallaabeen xuduudda, “iyagoo daandaansaday, weerarna la beegsaday ciidamada Shiinaha, taasoo keentay in gacmaha la isula tago,” sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Labada dhinac ayaa ku adkeysanaya in ciidamadu aanay wax rasaas ah isu adeegsan. Qaabka dagaal aan rasaas loo adeegsan ay ugu dhinteen askarta intaa la eg ayaan weli la cadeyn.

Waxaase jira warar sheegaya in askarta ay isla dhaceen burar iyo ulo bir ah. Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in askarta dalkooda “garaac nafta looga jaray.”

Labada dal ayaa sanadkii 1962 ku dagaallamay aagga ay ku muransan yihiin, waxaana xilligaasi guuldarro fool xun dhabarka loo saaray Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here