Al- Shabaab oo Xalay Hoobiyayaal Ku Garaacay Magaaladda Baladweyne ee Gobalka Hiiraan

0
90

Saldhig Militari oo ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loosoo gaabiyo gaar ahaan kuwa Dowladda jabuuti ayaa xalay lagu tuuray ku dhawaad 5-Hoobiye sida ay sheegayaa dadka deegaanka.

Xaafadda Howlwadaag oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Jabuuti ayaa laga maqlayay jugta madaafiicda la sheegay in lagu tuuray Xeradaasi, sidoo kalena rasaas aty ridayeen Askarta.

Lama oga haddii ay jirto waxyeelo gaartay Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ee ka howgala Gobalka Hiiraan, maadaama ay adag tahay in xog laga dhex helo Saldhigga Askartaan ay leeyihiin oo xadidan dhaq-dhaqaaqyada dadka gudaha u gala.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay suuragal tahay in waxyeelo ay gaartay dadka rayidka ah ee kaabbiga ku haya dhismaha Xerada Ciidamada katirsan Midowga Afrika ee Baladweyne ku sugan.

Dhanka Ciidamada AMISOM ee ay kaga sugan yihiin Gobalka Hiiraan, ayaa la maqlayay Hoobiyaal iyo rasaasta fudfudud oo ay ridayeen, lamana oga haddii ay sababeen waxyeelo gaartay Dadka shacabka ee Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Inta badan weerarada lagu qaado Saldhigyada Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana ka dhashay waxyeelo kala gaarta dhinacyada dagaalama iyo dadka shacabka ee ka dhaw goobaha duulaanka uu ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here