DHAGAYSO:-Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Qeybta 27aad oo ka Hadlay in Ciidamadda Qalabka sida aysan marna ka qeyb qaadin karin Dagaal Beeleed

0
62

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada aysan marnaba aqaleyn cid kasta oo hurineysa dagaal beeleedyada ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in go’aan kasta ee Maxkamadda Ciidamada ay tahay inay tagaan meel kasta oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada oo mararka qaar ay askar qeyb ka noqdaan dagaal beeleedyada.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in, iyaga oo fulinaya amar kasoo baxay madaxda Dowladda ay ku howlan yihiin inay Maxkamadeeyaan Ciidamo ka qeyb qaatay dagaal beeleed ka dhacay degaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad waxaa uu ka sheegay kulan ay heshiis ku kala saxiixdeen laba beeleed,kaas oo ka dhacay degaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here