AKHRISO:- Maamulka Koonfur Galbeed Oo Beenisay War Xasaasi Ah Oo Laga Faafiyay

0
44

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay warar Sheegayay in Maamulka Koonfur Galbeed uu hor istaagay Wadahadalo Dhexmari lahaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, hayeeshee waxaa arrintaas ka hadashay Maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in wararka la faafiyay ay yihiin kuwa been abuur ah oo la dhoodhoobay, isla  markaana arrintaas aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale Qoraalka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed  Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ay Guddi u saareen wadahadaladda labada dhinac, kuwaasi oo weli ka doodaya Ajendaha Shirka, goorta iyo  halka uu Shirkas ka dhici doono.

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa waxaa xusay in Maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay inuu marti-geliyo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, isla markaana Madaxda lagu soo dhaweeyo Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here