Weerar Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Duleedka Degmadda Guriceel ee G/Galgaduud

0
941

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay Dhimasho iyo Dhaawac kaas oo ka dhacay deegaanka Balihowd oo ku yaalla Duleedka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa yimid,kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen Dhalinyaro Hal goob ku wada sugnaa,waxaana rasaastaas ku geeriyooday hal ruux halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Maleeshiyaadkii rasaaseeyey dadka Shacabka ah ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen,iyada oo dilkaasi  wararku ay sheegayaan in uu la xiriiro aanooyin qabiil.

Maamulka deegaanka Balihowd iyo kan Galgaduud weli kama hadlin weerarkaasi qofka lagu dilay midka kalena lagu dhaawacay,waxaana wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaankaas ay sheegayaan inay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay weerarkaas.

deegaanka Balihowd oo ku yaalla duleedka degmada Guriceel ayaa 19-kii Bishii June ee sanadkan 2019 waxaa ka dhacay dil loo geystay Saddex Ruux dilkaasi oo la xiriiray aanooyin qabiil,hayeeshee ugu dambeyn xal laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here