CiidamaddaDaacada u ah Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya oo Dagaal Kula Wareegay Xarunta Ciidamadda Cairka

0
37

Ciidamada daacada u ah dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa ka qabsatay saldhigga Ciidamadda Cirka isla markaana ay  istiraatiijiga ah ee al-Watiya kalana wareegeen dagaalyahannada daacadda u ah taliyaha bariga Khalifa Haftar Isniintii, taas oo noqon karta horumarka ugu weyn muddo ku dhow hal sano.

Raiisel wasaare Fayez al-Sarraj ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray “Waxaan si sharaf leh ugu dhawaaqaynaa in laga xoreeyay saldhigga cirka ee al-Watiya.

“Guusha maanta ma ahan dhamaadka dagaalka. Taa bedelkeed, waxay ina soo dhoweyneysa maalinta guusha weyn, oo ah maalinta dhammaan magaalooyinka iyo dhulalka Liibiya ay xor ka yihiin mashruuca wadajirka iyo cadaadiska.”

Saldhigga cirka ee Al-Watiya, oo qiyaastii 125km koonfur galbeed ka xigta caasimadda, wuxuu muhiim u ahaa istiraatiijiyad muhiim u ah ciidamada Haftar, kuwaas oo bilaabay weerar ay ku qaadayaan Tripoli bishii Abriil 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here