Muwaadin u Dhashay Dalka Suuriya oo Haweeneey jaariyaddiisa ah oo uu Online ku iibin rabay

0
95

Muwaadin u dhashay dalka Suuriya oo hadda ku nool Dalka Lubnaan ayaa la xiray isagoo loo haysto inuu internet-ka ku iibin rabay haweeney u shaqeysa oo u dhalatay Dalka Nigeria.

Xayeysiin ku saabsan iibkaasi oo uu ninka soo dhigay Facebook ayaa dhalisay caro ballaaran, kadib markii ay arkeen dad Nigerian ah.

Xayeysiinta ayaa waxaa ku lifaaqnaa sawirka baasaboorka haweeneyda 30 jirka ah, waxaana uu ninka sheegay inuu ku doonayo lacag dhan kun dollar.

Qaar kamid ah dadka isticmaala Facebook ayaa sawir ka qaaday xayeysiintaasi ka hor inta aan la tirin:

Safaaradda Nigeria ee dalka Lubnaan ayaa arinkaasi ku wargelisay wasaaradda shaqaalaha ee waddankaasi.

“Baaritaan kadib, waxaa la qabtay ninka soo dhigay xayeysiinta. Waa muwaadin Suuriya u dhashay oo lagu magacaabo Waa’il Jerro. Waxaa arinkaasi gacanta ku haya garsoorka,” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay waaxda amniga guud ee Lubnaan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay dembi tahay in dadka ay u shaqeeyaan ajaanibta ee ku nool Lubnaan ay xayeysiiyaan shaqaalahooda si loogala wareego.

“Waa dembi u dhigma ka ganacsiga bani’aadanka, sidaa awgeed qofkii soo dhiga xayeysiin noocaasi ah waa la maxkamadeynayaa,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Dalka Kuweyt ayaa la sheegayaa in shaqaalaha guryaha ka Shaqeeya in lagu kala iibsado suuq madow, kaasoo macaamiil badan leh ka jira Dalka Kuwait.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here