Muwaadin Soomaaliyeed oo ugu Geeriyooday Caabuqa Coronaviruska Dalka Kenya

0
47

Wararka Ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in shalay galinkii dambe Magaaladda Nairobi ku geeriyooday Wiil u dhashay Dalka Soomaaliya oo soo riday muwaadinkan Soomaaliyeed ayaana maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanaa cudurkan.

Dalka Kenya ayaa waxaa kusii faafaya caabuqa saf marka ah ee Caronavirus, waxaana gobolo badan  oo dalkaasi katirsan laga helay kiisas dhoor ah , waxaana jira dhoor qof oo dalkaasi ugu geeriyootay cudurkan.

Dowlada Kenya ayaa labo isbuuc kahor karantiishay muwaadinkan Soomaaliyeed ee geeriyooday kadib markii laga helay Caronavirus, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisa ay aheyd mid kasii dareesay muwaadinkan Soomaaliyeed.

Gudaha Kenya waxaa caabuqa Caronavirus u kula dhacay muwaadiin Soomaaliyeed  oo qaarkood la sheegay in xaaladooda wanaagsan tahay kaliyana laga helay caabuqa balse dhibaato kale aan qabin.

Dalka Kenya ay kunool yihiin Soomaali badan ayaa laga cabsi qabaa in cudurkaasi ku faafo deegaanada ay Soomaalidu ku badan yihiin, waxaana socda wacyi galin dadka loogu sheegayo in ay raacaan talooyinka dhaqaatiirta sidoo kale taxadar sameeyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here