Dagaal Xoogan oo Ka Socda Gobalka Sanaag ee Maamulka Somaliland

0
68

Wararka ka Imaanaya Gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya, ayaa sheegaya in dagaal beeleed xoog leh uu saakay ka bilowday deegaan lagu Magacaabo Waqa-deriya oo dhaca xeebta gobolka Sanaag ee Maamulka Somaliland.

Dagaalka oo bilaawday waaberigii hore ee maanta ayaa la sheegay in xoogiisu uu ka Dhacay deegaankaas oo galbeed uga beegan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba malayshiyo beeleed oo halkaas wada dega, waxaana la sheegay in sanadihii lasoo dhaafay ay dagaallo badan ku dhex mareen deegaano badan oo ka tirsan isla gobolka Sanaag.  

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedkaas, isgaarsiinta deegaanka oo aad u liidata awgeed.

Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo ku hardamaya gacan ku heynta halka ay maanta dirirtaasi ka Dhacay ayaan weli wax war ah kasoo saarin, sidoo kale illaa hada ma jirto cid kala dhex gashay dhinacyada dagaalamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here