Sheekh Shariif oo saxiixey Buuga Tacsida Ra’iisul Wasaare hore Nuur Cadde

0
798

Guddoomiyaha Madasha Xsibiyada Qaran Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi ugu tagay qoysaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomalaiya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo Halgamaagii Soomaaliyeed Dr. C/qaadir Cali Boolaay oo dhawaan ku geeriyooday dalka dibaddiisa gaar ahaan magaalada London.

Madaxweyne Shariif ayaa saxiixay buugga tacsida isagoo u duceeyey wuxuuna ka sheekeeyey doorkii ay ku lahaayeen u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in Nuur Cadde uu ahaa qof aan marna ka daalin qof in Qaranka soomaaliyeed uu ku biiriyo taladiisa wanaagsan,sidoo kale Sheekh Shariif oo booqdey Qoyska halgamaa Dr. C/qaadir Cali Boolaay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed weli looga baaha yahay inay sii wadaan halgankii wanaagsanaa ee lagu baadi goobayey Qaranimo Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here