DHAGEYSO; Beesha Jareer Weyne oo Kasoo Horjeestay Xil Kaqaadis Lagu Sameeyay Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada Degmada Balcad

0
196

Beesha Jareerweyne oo Kamid Ah Beelaha Dega Degmda Balcad iyo Deegaanada Hoosyimaada Ayaa Shir Ay Maanta Kuyeesheen Degmada Balcad Kuqaadacay Islamarkaana Kagana Soo Horjeesatay Xilka Qaadis uu Wasiirka Arimaha Guduha Dowlad Gobaleedka Hir-shabeelle Maxamed Cali Caadle  uu  Kusameeyay Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada Degmada Balcad Balcad C/laahi Xambali Shiikh Axmed Kaa Uu Wasiirku Kubadalay Maxamed C/laahi Axmed

Qaar Kamid Ah Odayasha oo Kahadlay Shirka Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Aysan Marnaba Raali Ka Aheyn Islamarkaana Ay Isku Wada Raacsaneen Xilka Qaadistan Uu Wasiirka Arimaha Gudaha Hir shabeelle Uu Kusameeyay Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada Degmada Balcad C/laahi Xambali Shiikh Axmed  iyagoona Dhanka Kale Dowlad Gobaleedka Hir Shabeele Ku Eedeeyay In Aysan Kalatashan Odayaasha Dhaqanka Magacaabista Iyo Xil Kaqaadista Uu Sameeyay Wasiir Caadle Islamarkaana Ay Raaceen Talooyin Qaldan oo Ay Wataan Dad Doonya In Ay Colaad Iyo Dagaal Kadhex Abuuraan Beesha Jareer Weyne

29 Bishan March Ayey Eheed Kadib Markii Uu Wasiirka Wasaarada Arimaha Guduha Hir-shabeele Mudane Maxamed Cali Caadle Uu Xilkii Kaqaaday Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada Degmada Balcad Kaa oo Maanta Ay Si Wadajir Ah Ugu Soo Wada Horjeesteen Beesha Jareer weyne

HALKAN HOOSE KADHAGEYSO WARBIXINTA (WARIYE AXMED SOCDAAL)

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here