Madaxweyne Xasan Shiikh oo Casuumaad Ka helay dhigiisa Dalka Turkiga

0
35

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso ayaa isu diyaarinaya safar dhowr cisho qaadanaya oo todobaadka soo socda uu ku tagayo dalla Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaasi.

Wararrka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ay 4-ta ilaa 5-ta bishan oo ku beegan maalinimada Isniinta ee todobaadka soo socda ay u duulayaan dalka Turkiga, waxaana la filayaa inuu mdaxweyne Xasan kulan ku sabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Turkiga mashaariic uga fulin lahaa dalka uu la yeesho Recep Tayyip Erdoğan.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdikriin Cali Kaar ayaa shalay sheegay in madaxweynaha laga waayey xanuunka COVID-19 kadib markii uu maray baaritaan lagu sameeyey, isagoo tilmaamay inuu dhawaan si toos ah usoo shaqa gali doono oo uu dadka la hadli doono.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii labaad uu madaxweynaha dalka uga boxo, safarkan kii kahoreeyay waxa uu todobaadkii hore ku tagay dalka Imaaraatka Carabta, iyadoo Turkiga kadib uu madaxweyne Xasan socdaalo ku tagi doono dalalka deriska ah ee Kenya iyo Jabuuti, iyadoo uu wadahadalo la yeelan doono Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuro Kenyatta

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here