Ciidammada Mareykanka Iyo Ciidammo Daacad u ah Dowladda Suuriya oo isku Dhacay

0
45

 

Wararka Imaanaya Dalka Suuriya ayaa sheegaya in Isku dhacyo naadir ah oo u dhexeeyay Ciidammada Xulufada ee uu Mareykanka hogaaminayo iyo maleeshiyo taabacsan dowladda Suuriya ayaa ka dhacay waqooyi Bari Dalka Suuriya.

Warbaahinta dowladda Suuriya ee Sana ayaa sheegtay in hal qof oo rayid ah uu ku Geeriyooday weerarka kaddib markii ciidammada Mareykanka ay rasaas ku fureen dad marayay bar-kontrool oo ku taal magaalada Qamishi ee Suuriya.

Kooxda dusha kala socota xaaladda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in aysan kala caddeyn in ninka dhintay uu hubeysnaa ama in kale.

Ciidammada Mareykanka waxay sheegeen in koox la garaneyn ay rasaas kusoo fureen isla markaasna ay is difaaceen.

Ku dhawaad 500 oo ciidammo Amerikaan ah ayaa ku sugan waqooy bari Suuriya kuwaas oo garab siinayo ciidammada Kurdiyiinta ee dagaalka kula jiro kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here