madaafiic lagu qaaday saldhig oo ay kusugan yihiin ciidamada Puntland

0
58

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic ahaa oo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ee degaanka Galgala oo katirsan Gobolka Bari.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Xerada Ciidamada Puntland iyo degaanka Galgala iyo agagaarkeeda, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay hal Askari.

Sidoo kale goobjoogayaal ayaa sheegay in dhankooda Ciidamada Daraawiishta Puntland ay madaafiic uga jawaabeen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarka.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Puntland ee Gobolka Bari ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee ay xusid mudan tahay in dhowr jeer ay Al-Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadeen degaanka Galgala ee Gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here