HORDHACA:- Heegan Iyo Gaadiidka Kulan ka Tirsan Horyaalka Somali Premier League

0
64

Kulan ka tirsan Horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wadaa inuu ka dhaco garoonka Eng yariisow Stadium ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waxayna dhaxmari doonta Kooxaha kala ah Heegan iyo Gaadiidka, labadan kooxood ayaa diyaar-garow xooggan u galay kulan ciyaareedkan aadka u weyn.

Kooxda kubadda cagta Heegan kulankii ugu dambeeyay waxa ay 2-0 ugu soo adkaatay naadiga Raadsan.

Wiilasha Gaadiidka kulankii ugu dambeeyay ay horyaalka ka ciyaaran waxay guuldarro 2-0 ay kala soo kulmeen kooxda kubadda cagta Midnimo.

Horyaalka Somali Premier League ayaa sanadkan ah mid aad u xiiso badan dhamnmaan kooxaha badi waa kuwa u diyaarsan inay la hardaman dhiggooda, taasoo ku muujinaysa in aysan jirin koox liidata.

Naadiga Ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulanka galabta waxaa dhaawac ugu maqnaanaya daaficeeda Saadam Cabdulaahi, kaas oo ciyaartan seegi doono.

Kooxda Otobaarka ee Gaadiidka ayaa sanadkan waxaa ka muuqda habacsanaan aad u weyn marka loo eego kulamadii ugu dambeyay ay ka dheesho horyaalka Somali Premier League, waxayna ku jirta kaalimaha ugu hooseeya horyaalka kala sareyntiisa.

Tartanka Somali Premier League

Kooxaha Heegan Vs Gaadiidka

Garoonka Eng Yarriisoow

Waqtiga 3:30 Galabnimo

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here