Ciidamadda Booliiska Dalka Norwey ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay Dagaal dhex dhexmaray labo haween oo ku dhex sugnaa Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Oslo ee Dalka Norwey kuwaasi oo mid ka mid ah farta Qaniinyo looga gooyey.
Ciidamadda Booliska ee Norwey ayaa Gaaray Masjidkaasi iyagoo la kulmay Labada Haween oo midkood uu Dhiig ka socda waxaana Booliska isku dayeen inay ogaadaan waxa halkaasi ka dhacay.
Sida warbixinta lagu sheegay Haweeneyda laga qaniinay farta ayaa Da’deeda lagu sheegay 30 sano jir halka mida kale lagu sheegay 50 sano jir taasi oo markii danbe la xiray.
Falkan ka dhacay Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Norway ayaa noqday mid laga hadal hayo Baraha Bulshada waxaana warbaahinta qaarkood ay qoreen sababta keentay dagaalka Labadaasi dumar ee Dagaalka Ku Dhexmaray Gudaha Masjidka
Towfiiq ee Caasimadda Oslo ee Dalka Norwey