Guddiga doorashada Galmudug oo ansixiyey xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan

0
935

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha guddiga doorashada Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyaga oo meel mariyey qorshhaa ay ku Shaqeyn doonaan.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxaa ay siwadajir ah u ansixiyeen qorsha howleedkooda caadiga ah iyo xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan .

Guddiyada farsamada Maamul u dhisidda Galmudug oo ay kala magaceebeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Sheekh Shaakir ayaa mid walbaa waxaa uu wataa howshiisa caadiga ah, iyada oo ay shirar kala duwan la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here