Kooxda Mogashu City Club oo Shalay ka badisay Kooxda Dekadaha

0
565

Waxaa Shalay Galab Kulan ka Tirsanaa Horyaalka Somali Premier League wada Ciyaaray Kooxaha Dekedda iyo Mogadishu City Club, kulan xiiso badan ku wada ciyaaray Garoonka Eng Yariisow, ciyaar ka tirsanayd horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan labada kooxood ayaa waxay soo bandhigeen kubad aad u qurux badan, balse qeybtii koowaad ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hoggaaminayso Kooxda M.C.C, waxaana u kala dhaliyay Ciyaaryahada Feysal Xasan Xaashi iyo Alex, sidaas ayaa lagu kala marayCiyaarta.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta wiilasha M.C.C Shalay waxay u aheyd maalin qurux badan, maadaama laga Ciyaarayey firfircooni ku aaddan kubad heesiga iyo isla-jaanqaadka ciyaarta, ciyaaryahan Feysal Xasan Xaashi ayaa goolkii saddexaad ka dhaliyay Dekedda, Ciyaartu ayuuna ka dhigay 3-0 ay ku gacan sarreysay MCC.

Bandhigga goolasha Kooxda Mogadishu City Club waxaa goolka afaraad u dhaliyay Banteke, halka goolka shanaad uu raacsaday Qeys, kulankan ayaa natiijo ahaan noqday 5-0 ay ku horkacaysay Kooxda M.C.C.

Kooxda Dekedda waxay awoodi waysay inay xitaa hesho goolka calanka, waxaana Kooxda Kubadda Cagta ee Dekadaha Shalaylagu xasuuqay Eng Yariisow Stadium.

Ugu dambeyn naadiga Mogadishu City Club waxay Shalay ka baxeen abaartii guul la’aanta ka haysatay kooxda Dekedda, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 5-0 ay guusha ku raacday Kooxda Mogadishu City Club.

W.Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here