Kooxo hubeysan oo Darawal Mooto Bajaaj Ku Dileen Magaalada Muqdisho

0
820

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Black Sea Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Darawal Mooto Bajaaj.

Rag ku labisan Dareyska Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in saakay Xaafada Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil Bajaajle ahaa, iyadoo la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay Mobile kii ka qaateen Marxuumka ay dileen.

Wararka qaar ayaa sheegaya inDadka kooxda dilka geysatay in ay doonayeen, marxuumka in ay ka dhacaan Mooto Bajaajta uu ku shaqeysanayay muran kadibna ay toogteen.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday waxaana meydka marxuumka goobta ka qaaday dadka deegaanka oo ku wareejiyay Eheladiisii,inta badan Darawalada Mooto Bajaajka kixeysa ayaa tacadiyo kala duwan la kulma taas oo ay ugu badantahay dilalka iyo dhaawac askarta dowladda iyada oo sidoo kale ay u gaarsadaan kooxo burcad ah oo dhac u geysata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here