Gaari uu Leeyahay Xildhibaan ka Tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka oo Qarax lala Eegtay

0
66

Wararka Imaanaya Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay Qarax Miino oo jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka uu ka Kooban yahay Gobolka Banaadir,waxaana uu ka dhacay Agagaarka Carwadii hore ee Taleex oo ku taalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan oo Warar kala duwan ay ka soo baxayaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso,isla markaana lala eegtay Gaari uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa uu ku dhaawacmey Darawalka Gaariga,sidoo kalena uu jiro burbur gaariga soo gaarey,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Muddo saacad ku dhow ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada Taleex ee ka timaada Tarabuunka oo Gaadiid farabadan ay isticmaalan,hayeeshee ay si caadi ah dib ugu soo noqotay.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaan,hayeeshee waxaa uu kamid yahay qaraxyada inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here