Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo Maanta Kulan la yeeshay Safiirka Soomaaliya Dalka Talyaaniga

0
38

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa kulan la yeeshay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii dowladda Talyaaniga ay taageero u siin laheyd Maxkamadda Sare ee dalka.

“Waxa aan maanta kulan muhiim ah wada yeelanay Danjiraha Talyaaniga ee Somaliya, Mudane Alberto Vecchi, oo aanu ka wada hadlay arrimaha garsoorka, tayeyntiisa, hanaanka caddaaladda iyo asluubta iyo soo-celinta xidhiidhkii u dhaxeeyey Garsoorka Somaaliya iyo ka Talyaaniga” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare  ee dalka.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa taageero ka hesha dowladda Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here