Mahad Salad oo la gudoonsiiyay shahaadada Musharaxnimada ee kursiga #HOPe-147

0
73

 

 

 

 

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa shahaadada musharraxnimo guddoonsiiyay Musharaixiinta u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay Hop147, kaasi oo dhawaan la shaaciyay in Dhuusamareeb lagu dooran doono.

Kursiga Hope 147, ayaa waxaa u taagan musharixiin dhowr ah oo doonaya in ay kusoo baxaaan, waxaana Shahaadada Musharaxnimada guddoomay labo muharax oo kala ah Mahad Maxamed Salaad iyo Shamso Cabdullaahi Maxamed

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa horay ugu fadhiyay kursiga,waxaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu cad cad ee la filayo inuu kusoo baxo kursiga.

Mahad Maxamed Salaad ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay si weyn mucaarad ugu ahaa Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday, waxaana hadda la filaya inuu difaacdo kursigiisa

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here