AKHRISO:-5-kii Saxiix Ee Ay Sameeyeen Kooxaha Waaweyn Ee Yurub Intii Uu Furnaa Suuqa January

0
886

Waxa xalay si Rasmi ah u xidhmay suuqii Kala iibsiga ee January iyada oo ay kooxaha reer yurub muddo 31 maalmood ah ku mashquulsanaayeen sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Waxa dhacay saxiixyo aad u badan yurub oo dhan iyada oo koox yar iyo koox weynba suuqa ugu jireen xiddigo cusub halka ay xiddigaha qaarkoodna baxsad ka ahaayeen kooxda ay haatan joogaan kuna biiray koox ay joogto ugu ciyaareen.

1.Takumi Minamino → Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee dhamaystirta saxiix kooxaha ugu waaweyn yurub iyaga oo todobaadkii hore si Rasmi ah ugu dhawaaqay saxiixa xiddiga reer Japan kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda RB Salzburg sidaana ku noqday saxiixii ugu horeeyay ee Liverpool.

2.Zlatan Ibrahimović → Ac Milan:

Xalay ayay kooxda Ac Milan si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga reer Sweden kaas oo Kooxda ugu soo biiray heshiis 6 bilood ah iyo waliba dookh uu 2 sano u saxiixi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

3.Nathaniel Phillips → Liverpool:

Inkasta oo uuna ahayn saxiix weyn hadana Liverpool ayaa shalay oo jimce ahayd xaqiijisay in ay si Rasmi ah dib ugu yeedhay xiddiga Nathaniel Phillips kaas oo amaah ugaga maqnaa kooxda lana jooga kooxda Stuttgart waxana uu ka mid noqon doonaa daafacyada Klopp kadib dhaawacyadii soo gaadhay Matip iyo Lovren.

4.Erling Braut Håland → Borussia Dortmund:

Xiddiga Erling Braut Håland ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda Borussia Dortmund kuwaas oo saxiixa ku garaacay kooxaha Man United iyo Juventus.

Erling Braut Håland ayaa ahaa xiddig si weyn loo hadal hayay tan ilaa markii uu ka soo If  baxay kooxda RB Salzburg laakiin haatan waxa uu heshiis 4 sano iyo badh ah u saxiixay kooxda Bundesliga ee Dortmund.

5.Dejan Kulusevski → Juventus

Kooxda Juventus ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Dejan Kulusevski kaas oo ay kala soo wareegtay kooxa Parma kadib markii ay ogolaatay in ay bixiso 35 milyan oo euro iyo waliba lacag guno ah.

Laakiin Juventus ayaa xiddiga Dejan Kulusevski u dayn doonta kooxda Parma oo uu kula sii joogi doono heshiis amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

6.Alexander Nubel -> Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa maanta si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha Kooxda Schalke ee Alexander Nubel kaas oo ay si xor ah kula wareegeen laakiin xagaaga si Rasmi ah ugu soo biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

7.Simon Kjaer → Ac Milan:

Kooxda Ac Milan ayaa heshiis amaah ah ku dhamaystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Simon Kjaer kaas oo Milan kula joogi doona heshiis amaah ah tan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

8.Nathaniel Phillips → Stuttgart:

Kooxda Liverpool ayaa durba xaqiijisay in ay heshiis amaah ah ku dirtay daafaca Nathaniel Phillips kadib markii uu kaliya hal kulan u ciyaaray kaas oo ahaa Everton kadib markii uu kaliya ku soo biiray kooxda bilowgii bishan Janury.

Klopp ayaa go’aamiyay in uu amaah ku fasaxo xiddiga kadib markii ay xiddigaha Matip iyo Lovren ka soo laabteen dhaawacii ay k maqnaayeen.

9.Gedson Fernandes → Tottenham:

Kooxda Tottenham ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Gedson Fernandes kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Benfica.

Tottenham ayaa Gedson Fernandes ka saxiixatay heshiis 2 sano oo amaah ah ka hor inta ayna si toos ah ugula wareegin marka uu dhamaysto heshiiskiisa.

10.Asmir Begovic → Ac Milan:

Kooxda Ac Milan ayaa dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Asmir Begovic kaas oo ay ku badalayaan Pepe Reina oo ku biiray kooxda Aston Villa iyaga oo kala soo saxiixday Bournemouth.

Goolhaye Asmir Begovic ayaa Ac Milan ugu soo biiray heshiis 6 bilood ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan isaga oo noqon doona Goolhayaha 1-aad ee kooxda kadib dhaawacii soo Gaadhay Goolhaye Gianluigi Donnarumma.

11:Ashley Young → Inter Milan:

Kooxda Inter Milan ayaa dhamaystirtay Saxiixa xiddigii hore ee kooxda Man United Ashley Young kaas oo qalinka ku duugay heshiis 6 bilood ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyo waliba dookh uu qalinka ugu duugi karo xilli ciyaareed kale.

Ashley Young oo ka tagay Man United kadib 9 sano oo uu joogay Old Trafford ayaa kooxdiisa cusub u xidhan doona Lambarkd No.15 isaga oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Inter Milan ee bishan.

12.Reinier Jesus → Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Reinier Jesus kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda reer Brazil ee Flamengo kadib todobaadyo la xidhiidhinayay xiddiga.

Kooxaha Real Madrid iyo Flamengo ayaa soo saaray warbixin ay ku xaqiijinayaan in uu xiddiga 18 jirka ah qalinka ku duugay heshiis uu kooxda Real la joogi doono ilaa xagaaga June 30 2026.

13.Álvaro Odriozola → Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa daafaca Kooxda Real Madrid ee Álvaro Odriozola kaas oo ay Kula soo wareegtay heshiis amaah ah oo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah.

Daafaca reer Spain ee Álvaro Odriozola ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 bilood ah oo uu ku joogi doono kooxda difaacanaysa horyaalka Bundesliga kadib markii ay kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ka heshiiyeen saxiixa xiddiga.

14.Victor Moses → Inter Milan:

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Victor Moses kaas oo ay kula soo wareegeen heshiis amaah ah oo ay si toos ah ugula wareegi doonaan 12 milyan oo euro xagaaga.

Xiddiga reer Nigeria ayaa qalinka ku duugay heshiiska 2 maalin ka hor kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka laakiin ku dhawaaqista heshiiska ayaa dib u dhacday sabab la xidhiidha in loo baahnaa warqado saxiixan oo ka imanaya kooxdii uu amaahda kula joogay ee Fenerbahce.

15.Christian Eriksen → Inter Milan:

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga Christian Eriksen kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Tottenham kadib wadahadalo muddo dheer qaatay.

Xiddiga reer Denmkar ee Christian Eriksen ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda Inter Milan ku joogi doono ilaa xagaaga 2024 isaga noqday saxiixii ugu horeeyay ee Inter Milan.

16.Giovani Lo Celso → Tottenham:

Kooxda Tottenham ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay si toos ah ula wareegtay xiddiga Giovani Lo Celso kaas oo ay heshiis amaah ah kula wareegtay xagaagii la soo dhaafay.

Kooxda Tottenham ayaa Giovani Lo Celso kula wareegtay lacag dhan 35 milyan oo euro kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray.

  1. Steven Bergwijn → Tottenham:

Kooxda Tottenham ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Steven Bergwijn kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda reer Holland ee PSV.

Xiddiga reer Holladn ee Steven Bergwijn ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay kooxda Tottenham samayso intii lagu jiray suuqa January isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti dheer ah.

18.Pablo Mari → Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Pablo Mari kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal suuqa Janury.

Arsenal ayaa Mari kula soo wareegtay heshiis 6 bilood ah ka hor inta ayna si toos ah ugula wareegin dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

19.Bruno Fernandes → Man United:

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay kooxda Sporting Lisbon kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes.

Man United ayaa bogeeda Internet-ka ku soo qortay in ay si Rasmi ah kooxda Sporting kala heshiiyeen saxiixa xiddiga reer Portugal kaas oo noqon doona saxiixa ugu horeeya ee suuqa Janaury ee kooxda.

20.Danny Rose → Newcastle:

Xiddiga Daafaca reer England ee Danny Rose ayaa heshiis amaah ah ugu biiray kooxda Newcastle kadib markii ay isku dheceen tababaraha kooxda hogaamiya haatan ee Jose Mourinho.

Danny Rose ayaa kooxda Newcastle ugu biiray heshiis 6 bilood ah isaga oo kooxda uu Steve Bruce hogaamiyo si toos ah ugu biiri kara dhamaadka xilli ciyaareedkan.

21.Odoin Igha → Man United:

Man United ayaa hishiis la gaartay weeraryahanka kooxda reer Shiine ee Odoin Igha , waxa ayna tani imaaneysaa xilli Rashford uu kaga maqnaanayo dhaawac muddo fog ah .

United 30 sano jirkaas ku heleysa qaab amaah illaa dhamaadka xilli ciyaareedka , waxaana jira qodob xusaya in wiilkaas reer Nigeria ay toos u iibsan karaan.

22.Cedric Soares → Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Cedric Soares kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Southampton.

Cedric Soares ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay Arsenal samayso inta lagu jiro suuqa January iyada oo uu Mikel Arteta doonayo in uu ku xoojiyo daafaciisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

23.Emre Can → Borussia Dortmund:

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Emre Can ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda Borussia Dortmund isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti dheer ah.

Kooxaha Juventus & Borussia Dortmund ayaa ugu dambayn ka heshiiyay saxiixa xididiga reer Germany kaas oo isaga tagaya kooxda Juventus 2 sano kadib markii uu si xor ah ugu biiray.

24.Francisco Trincao → Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay kooxda Braga kala heshiisay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Francisco Trincao kaas oo ay ka bixisay lacag dhan 26 milyan oo euro.

Francisco Trincao ayaa kooxda Barcelona ku soo biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan 1 bisha July isaga oo qalibka ku duugay heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa 2025.

25.Matheus Fernandes Siqueira → Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa Hada xaqiijisay in ay kooxda Palmeiras kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Matheus Fernandes Siqueira.

Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiga khadka dhexe ee Matheus Fernandes Siqueira ku soo biiri doono kooxda xagaaga dambe 1 bisha July

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here