Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay qabashada doorashada 5 Kursi

0
72

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay qabashada doorashada 5 kamid ah kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed gaar ahaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay u qabtay doorashada 16 kursi, waxaana kuraasta la shaaciyay in dhawaan doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Baydhabo ay kala yihiin.

1: Hop188oo uu ku fadhiyo Aadan Ibraahim Dhaayow.

2: Hop185 oo uu hadda ku fadhiyo Cali Aadan Xuseen.

3: Hop175 oo uu ku fadhiyo Axmed Xaaji Maxamed Taaw.

4: Hop159 oo uu hadda ku fadhiyo Xasan Ibraahim Maxamed.

5: Hop177 oo uu ku fadhiyo Ibraahim Isaaq Yaroow.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday Maamulka sida darta leh ku wada doorashooyinka Golaha Shacabka tan iyo markii Golaha wadatashiga ay heshiis la xiriira doorashooyinka ku gaareen Magalada Muqdisho 9-kii Bishaan Janaayo ee sanadkaan 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here