Kooxda Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Weeraryahan Aad Loo Qiimeeyo

0
69

Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea ayaa lagu soo Waramayaa in ay Dalab Rasmi ah oo dhan 27 milyan oo euro ka gudbisay Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda AC Milan ee Krzysztof Piatek sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa raadinaysa in ay xoojiso weerarkeeda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga January ee bishan todobaadka dambe.

Tammy Abraham ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo aan ilaa haatan la ogayn kadib dhaawac kuraanta ah oo soo gaadhay waxana uu tababare Frank Lampard suuqa u galay raadinta badalkiisa maalmaha ka dhiman suuqa January.

Xiddiga Michy Batshuayi ayaan haysan kalsoonida tababare Lampard hallka la filayo in uu xiddiga Olivier Giroud isaga tago kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.

Saxafiga reer Italy ee Nicola Schira ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea la soo saxiixan karto xiddiga Piatek kaas oo uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay xilli ciyaareedkan.

Saxafiga ayaa sheegaya in ay Chelsea Piatek ka gudbisay dalab 27 milyan oo euro ah si ay u hesho xiddiga si kasta ha ahaatee saxafiga ayaa sheegaya in ay Blues tartan adag kala kulmayso kooxda Tottenham kuwaas oo doonaya saxiixa xiddigii hore ee kooxda Genoa.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here