Goobo Ganacsi ay Soomaali leeyihiin oo lagu gubay Koonfur Afrika

0
254

Kooxo Koonfur Afrikaan ah ayaa Goobo Ganacsi ay ajaanibta leeyihiin gaar ahaan Soomaalida iyo Itoobiyaanka waxaa ay ku gubeen duleedka Magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in ilaa Saddex Dukaan dab la qabad siiyay, waxaana laba kamid ah dukaamadaasi ay leeyihiin Soomaali ku yaallaan tuulada Kwazakhele, iyada oo dukaanka kale ee sedaxaad ee la gubay uu ku yaallo tuulada Zwide sida laga so xigtay Afhayeenka booliska Col Priscilla Naidu.

Falkaan Goobaha Ganacsi lagu gubay ayaa sida la sheegay waxaa uu daba socdaa isku dhicii shalay gelinkii Dambe xaafadda korsten ku dhaxmaray darawalada Tagsleeyda iyo Soomaalida degan xaafadahaasi, kaas oo lagu gubay in ka badan 10 Gaadiid ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadba sanadka ka dambeeya waxaa kusii kordhaya dhibaatooyinka lagu haayo Ajaanibta, waxaana mar walba lagu dilaa hantidoodana la boobaa Ganacsatada Soomaalida ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here