Kooxda Burnley oo Xalay ka Badisay Kooxda Manchester United

0
73

Kooxda kubadda Cagta Manchester United ayaa guuldarro 2-0 ah kala kulantay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, ciyaar ka tirsaneyd kulamada horyaalka Premier League.

Daqiiqadii 39-aad kooxda Burnley ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Chris Wood, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ben Mee.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiadii 56-aad kooxda Burnley ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Jay Rodriguez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Chris Wood.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay guuldarro 2-0 oo ay Manchester United kala kulantay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here