Dagaal ka socda degaanka Xanaanbuure

0
294

Dagaal ayaa goor dhow  ka Bilowday deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud ka dib markii halkaasi lagu dilay qof ka mid ahaa dadka degaanka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo Beleed kuwaas oo ka soo kala jeeda magaaaloyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii maleeshiyaad ka soo jeeda cadaado ay qof shacab ah ku dileen gudaha deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Deegaankaan ayaa ka mid ah meelaha ay kusoo laablaabteen dagaal beeleedyadda, waxaana hadda laga maqalaya rasaas ay labada dhinac ay is weydaarsanaayan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here