Khilaaf u Dhaxeeyey Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Xal laga Gaaray

0
61

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan Casho ah ugu sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.
Kulankan uu soo agaasimay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ujeedkiisuna ahaa sidii loo soo afjari lahaa khilaaf iyo Madmadow soo kala dhexgalay Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusmaan Barre Maxamed.
Ugu Dambeyn Madaxweyne Ku xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo afjaray Khilaafkii Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Todobaadyadii la soo dhaafey ayaa Warar soo baxayey waxaa ay sheegayeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusman Barre Maxamed in uu wadey mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here