Man City Oo Man United Kula Biirtay Tartanka Saxiixa Bruno Fernandes & Qorshaha Ay United Ugu Garaacayso Oo La Ogaaday

0
473

Kooxda Kubadda Cagta ee Man City ayaa ku biirtay Tartanka loogu jiro Saxiixa Xiddiga Khadka Dhexe ee Kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes sida uu sheegayo wargayska Correio de Manha.
Tababare Pep Guardiola ayaa diyaarinaya dalab Rasmi ah oo dhan 86 milyan oo euro si uu 25 jirka u keeno kooxdiisa xagaaga dambe.
Sidoo kale Kooxda Man United ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes tan ilaa xagaagii hore iyada oo xitaa ku dhawayd in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga todobaadkii hore.
Laakiin wadahadalada ay istaagay sabab la xidhiidha in ay kooxda Sporting Lisbon dalbanayso lacag dhan 68 milyan oo halka hore ah halka United diyaar u tahay in ay halka hore ka bixiso 50 milyan oo euro.
Laakiin City ayaa diyaar u ah in ay xiddiga miiska u saarto lacag dhan 86 milyan oo euro marka xitaa lagu daro lacagta gunada ah si ay saxiixa xiddiga ugu garaacaan Man United.
City ayaa doonaysa in ay heshiiska dhamaystirto inta lagu jiro bishan laakiin Amaah ugu diraysa xiddiga si uu xilli ciyaareedkan ugu dhamaysto kooxdiisa Sporting Lisbon.
W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here