Maxkamadda Ciidamada oo ku dhawaaqday digiin ku socota Askarta kala duwan

0
1007

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybta  Dowlad Goboleedka Galmudug  Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa uga digay Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida inay dadka ku dhibaateeyaan hubka loogu dhiibay inay amniga ku sugan.

Guddoomiyaha oo ku sugan degmada Matabaan ayaa sheegay in guud ahaan Ciidamada ka howlgalla degaannada Galmudug aan marnaba laga aqbaleyn inay hubka ay wataan Bulshada ku dhibaateeyaan sigaar ah Ciidamada Booliska oo ka dhex Shaqeeya Shacabka.

Waxaa uu ku adkeeyay Ciidamada inay mas’uuliyad gar ah iska saaraan ilalinta anshaxa Ciidamannimo, isla markaana hubka ay sitaan uusan noqon mid lagu dhibaateeyo Shacabka iyo askarta kale ee xeryaha kula sugan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybta  Dowlad Goboleedka Galmudug  Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa amar ku bixiyay in maxkamad la horgeeyo askarigii askari kale ama qof Shacab ah ku taag qoraga uu wato tallaabana laga qaado.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybta  Dowlad Goboleedka Galmudug  Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer askar ka tirsan Ciidamada dowadda ay rasaas aga fakatay ku dileen qoray ay ku ciyaarayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here