Digniin laga bixiyey isku day wasiir Duraan uu garoon uga dhigayo dhul laga boobayo dad shacab ah

0
616

Waxaa si weyn isu-soo taraya cabasho xoogan oo laga muujinayo hadal kasoo yeeray Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegayay in uu shaqo billaabi doono garoon la sheegay in laga dhisayo dhul shacab laga boobay oo ku yaalla degmada Deyniile.

Cabashada ayaa waxay ka taagan tahay goobta ay dowladda u asteysay garoonka laga hirgelinayo degmada Deyniile, maadama uu yahay dhul shacab oo maamulka degmada Dayniile uu boobay, kaasi oo wasiir Duraan laga dhaadhiciyey inuu sharciyeeyo.

Qaar kamid ah Odayaasha deegaanka Deyniile ee dhulkan leh, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhulka uu Wasiir Duraan ku sheegay in laga hirgelinayo Garoonka ay leeyihiin milkiyadeeda, oo uu yahay dhul shacab.

Waxay sheegen inay xaqdaro tahay in dhulkaas ay dowladda si xoog ah uga sameynayso garoon diyaaradeed, ayada oo sharci rasmi ah u haystaan dadkii iska lahaa mulkiyadeeda.

“Waxaa ku leenahay mudane Wasiir dhulkaas garoon maaha ee waa dhul shacab leeyahay, sharcigana maray, documant-giisana uu saxan yahay oo dowladda u sharciyeysay, oo gobolka iyo madaxtooyada ay ogtahay. Arrintaas ayaa waxay nagu noqotay fajiciso, waxaana bilowday dhaq-dhaqaaq aan hore uga jirin xili ay socotay in dhulkaas dib loogu celiyo dadkoodii,” ayuu yiri Cumar Santooni oo kamid ahaa Odayaashii la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale waxay ka dalbadeen Wasiir Duraan inuu ka laabto arrintaas oo ay sheegen inuu ku deg-degay, islamarkaana uu raali-gelin ka bixiyo dhulkaas uu ku sheegay in laga hirgelin doono garoon diyaaradeed.

Odayaasha ayaa waxay si adag uga digeen dhibaatada ka dhalan karta haddii dhagaha laga fureysto baaqa ay maanta soo saareen, taasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadi doonto dowladda federaalka, ayaga oo ka dalbaday madaxda sarre inay si deg-deg ah usoo fara-geliyaan arrintaan.

Ugu dambeyntiina waxa ay baaq u direen shirkadaha diyaaradaha oo ay uga digeen inay ka degaan dhulkaas uu sheegay Wasiirka in laga hirgelinayo garoon diyaaradeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here