“Waxaan arki karaa Kun oo jooga Real Madrid isagoo sinta ka jebinaya Pique iyo Puyol”… (Ma ogtahay inuu Aguero laba jeer dalab ka helay Madrid?)

0
141

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah shalay u dhammeystirtay saxiixa Sergio Aguero, balse waxaa xusid mudan inuu ku sigtay inuu u ciyaari Real Madrid, qoraalkan ayaynu kaga hadleynaa xilligii uu laacibka reer Argentina.

Weeraryahankan ayaa halyey u noqday naadiga Manchester City oo xilli ciyaareedkan dhammaadkiisa iska fasaxday kaddib dhammaadka qandaraaskiisa, sidoo kalena magaciisa ayuu meel weyn kaga qoray taariikhda kubadda cagta Ingiriiska tan iyo markii uu ka hayaamay Atletico Madrid sanadkii 2011.

Balse, Real ayaa xagaagaas si aad ah ugu dhoweyd saxiixa Aguero iyagoo xiiso badan u ahay laacibkan kahor inta uusan u dhaqaaqin Man City, haatan se, 10 sano kaddib ayuu kusoo laabtay horyaalka Spain isagoo Barcelona safkeeda ka mid noqon doona 1-da bisha July.

Halyeyga geeriyooday ee Diego Maradona ayaa xilligaas aad ugu dhiirro gelinayay Aguero oo uu soddog u ahaa maadaama 32-jirkan uu ahaa seyga gabadha Maradona ee lagu magacaabo  Giannina Maradona inkastoo ay 2012 kala tageen, balse naadiga Atletico ayaa iska diidday xilligaas inay xiddigeeda sare ka iibiso Los Blancos.

“Waxaan arki karaa Kun (naaneysta Sergio Aguero) oo jooga Real Madrid” ayuu Maradona u sheegay MARCA sanadkii 2011.

“Waxaan arki karaa isagoo ka garab ciyaaraya Cristiano Ronaldo isagoo sinta ka jebinaya (Gerard) Pique iyo (Carles) Puyol” ayuu hadalkiisa ku daray Halyeyga Argentina.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa mar kale isku dayday inay lasoos saxiixato Aguero sanadkii 2018, balse markaas uma aysan suuro gelin inay u dhaqaaqdo saxiixiisa maadaama 32-jirka weerarka ka ciyaara uu xilligaas saddex sano ku kordhiyay heshiiskiisa Etihad Stadium.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here