Sidee ayuu Lionel Messi ugu ciyaaray Atletico Madrid?… (Immisa kulan ayuuna u saftay?)

0
68

Ciyaaryahanka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Ateltico Madrid ayaa Jimcihii ku kaftamay inay kooxdiisa soo dhoweyneyso Lionel Messi haddii uu kusoo biirayo naadiga caasimadda Madrid ka dhisan, waxaana sheekadaas ay keentay in dib loo faago markii uu kabtanka Barcelona u ciyaaray naadiga Atletico.

Sida ku xusan taariikhda kubadda cagta, Messi waxa uu heerkiisa kooxeed u ciyaaray naadiga Barca, balse waxaa jirta xaqiiqo ah inuu mar u ciyaaray naadiga Los Rojiblancos.

Haddaba waxaa su’aal ay ka taagan tahay goorta uu La Pulga u ciyaaray naadiga Madrid ka dhisan iyo qaabka uu ku xirtay maaliyaddeeda, sidaas darteed, waa tan faah-faahinta arrintaas.

Hay’adda Atletico Madrid Foundation ayaa kulan lacag uruurin ah ku qabatay garoonka ay ku ciyaarto kooxda  Newell’s Old Boys sanadkii 2019, waxaana lagu casuumay Kabtanka xulka qaranka Argentina.

Waxaa sidoo kale ciyaartan qayb ka ahaa Messi saaxiibkiis Maxi Rodriguez oo ay qaran wadaag ahaayeen, waxaana ciyaartan ay ahayd mid xuduud la’aan ah oo dadkii lagu casuumay oo dhan ay wada ciyaareen iyadoo kala xirnaa maaliyadda Atletico Madrid nooceeda koowaad (Home) iyo nooceeda labaad (Away).

Si kastaba ha ahaatee, lacagihii laga soo uruuriyay kulankaas ayaa sida la sheegay loogu deeqay caruurta dhibaateysan ee dalka Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here