Manchester City oo Barcelona kala xaajooneysa saxiixa mid ka mid ah xiddigaha la filayo in laga fasaxo Camp Nou

0
741

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qorsheyneysa inay suuqa geyso xagaagan xiddigo dhowr ah si ay boos ugu banneyso saxiiyada ay dooneyso inay lasoo wareegto suuqa aaddan.

Sidaas darteed, Manchester City ayaa xiiseyneysa saxiixa Sergi Roberto oo ka mid ah xiddigaha sida ugu badan loola xiriirinayo in laga fasaxo Camp Nou, waxaana wararka ka imaanaya dalka Spain ay sheegayaan in Pep Guardiola uu si shaqsi ah u daneynayo laacibkan.

Man City, Barcelona iyo wakiillada laacibka Isbaanishka ah ayaa dhammaantood doonaya inay ka wada hadlaan qaabka uu xiddigan ugu dhaqaaqi karo Premier League, maadaama uu lumiyay muhiimaddii uu ka lahaa naadiga Blaugrana.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa ka caga jiideysa inay 29-sano jirkan heshiiska u kordhiso iyadoo haatan qandaraaskiisa uu dhici doono bisha June ee sanadka dambe, sidaas darteedna waxa uu bilaash kaga tagi doonaa Catalonia haddii uu dhammeysto sanadka u harsan maadaama dookhiisa koowaad uu yahay sii joogista Barcelona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here