Ciyaata Fiinaalka ee Tar tanka Horyaalka Degmada Balcad Ayaa Lagu Qabtay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe
Ciyaartan oo Ahayd Mid Xiisa Leh Ayaa Waxa Usoo Daawasho Tagay Dadweyne Tiro badan Iyadoona Ciyaarta Finalka Ah Ay Udhexeysay Naadiyada Star FC iyo Dekadaha FC oo isugu sooharay Fiinalka Tartanka Horyaalka Kubadda Cagta ee Degmada Balcad
Wxaana Ciyartan Fiinalka Ah ee Dhexmartay Labadaasi naadi Ay Kusoo idlaatay 3-1 Naadiga Dekadaha fc Ayaa Sidax gool oo Mid Rigoore Ay Ahayd Kadhaliyay Dhigooda Naadiga Star fc
Halka Naadiga star Kaliya Ay Dhaliyeen Hal gool Sidaasina Looga Badiyay Ciyaarti Fiinaalka Ahahd ee udhexeysay Labadaasi naadi Waxaana Koobka Tartanka Horyaalka Kubadda Cagta ee Degmada Balcad sidasi Ay Kuhanatay Naadiga Dekadaha FC
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeeele Xildhibaan Axmed Bariise Xeydar Wasiir udowlaha Wasaarda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeele Mudane Abuukar Xasan Abuukar iyo Maamulka Degmada Balcad oo uu Horkacayay Gudoomiyaha Degmada Qaasim Cali Nuur Furdug Ayaa Kaqeybgalay Xeritaanka Tartanka Horyaalka kubadda Cagta ee Degmada Balcad iyagoona Koobka Gudoonsiiyay Nadiga Dekadaha oo Sadex gool iyo Hal Kaga Badiyay dhigooda star fc Halka Nadiyada Kale ee galay Kaalimha iyagane Lagudoonsiyay Abaalmarino
Ugu Horeyn Aya Waxa Madasha Kahadlay Wasiir kuxigeenka Wasarada Arimaha Gudaha Hirshabeele iyo Wasiir udowlaha Waxbarashada Hirshabeele Abuukar Xasan Abuukar iyagoona Amanay Ciyaarta Quruxda Badan ee Ay soo Bandhigen Labada Naadi
Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Degmada Balcad Mudane Qaasim Cali Nuur Furdug iyo Gudoomiyaha Xeriirka Kubadda Cagta Gobalka Shabeelaha Dhexe Maxamud Cumar Faradheere oo Si Wada Jir ah Usoo xeray Tartanka Ayaa Hambalyo iyo Bogaadin Idiray Naadiga Dekadaha fc ee Koobka kuguuleysatay
ka Horyaa