HORDHACA:- Kooxaha Horseed Vs Raadsan Tartanka Somalia Premier League

0
382

Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wada inuu ka dhaco garoonka Eng. Yariisow Stadium ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banadir, kaas oo dhaxmari doona kooxaha Horseed iyo Raadsan.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan maadama labada kooxood ay baadi goob ugu jiraan inay wada guulaha dib ugu soo laabtan, taas oo aan kala jeedo in labada kooxood ay barbaro soo galeen kulankii ugu dambeyay ay horyaalka la soo ciyaareen kooxo kala duwan.

Naadiga Horseed ayaa kulankii ugu dambeyay ay horyaalka ka Ciyaartowaxa ay barbaro goolal la’aan ah 0-0 la soo dhaafi weysay kooxda Mogdisho City Club.

Wiilasha yaabka sanadkan dhigay ee Raadsan ayaa ciyaartii ugu dambeysay waxa ay iyaguna barbaro 2-2 la soo gashay Kooxda Rajo FC.

Kooxda kubadda cagta Raadsan ayaa sanadkan ka soo dalacday horyaalka heerka 2-aad ee dalka waxayna galabta dheeli doonta mid ka mid ah kulamadeeda ugu adag ee horyaalka.

Sidoo kale waa kulankii ugu horreyay ay wajahdo kooxaha ugu waa weyn horyaalka, iyadoo kulanka galabta uu u yahay kulankii 3-aad ee horyaalka ay ka dheesho.

Hoggaamiye Cabdijoon ayaa taariikh wanaagsan ka haysta kooxaha ka soo dalaca horyaalka heerka 2-aad isagoo yaqaana sida loogu adkaado kooxaha awood dhexaadka ah.

Kooxda Horseed sanadkii la soo dhaafay horyaalka waxay kaga dhammeysatay kaalinta 2-aad, iyadoo labo dhicood loogu qaaday, waxaana ka fara-marooqsatay Dekedda FC.

Tartanka Somali Premier League

Kooxaha Horseed FC vs Raadsan

Garoonka Eng Yariisow Stadium

Waqtiga 3:30 Galabnimo

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here