SAWIRRO Atletico Madrid iyo Real Madrid oo guulo gaaray caawa, xilli Kooxda Atletico ay ku guuleysatay horyaalka La Liga

0
466

Atlético Madrid ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga Horyaalka La Liga, kaddib markii ay ka adkaatay naadiga Real Valladolid, xilli Real Madrid ay guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Villarreal oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano.

Qeybata hore ee kulanka Real Madrd iyo Villarreal ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Villarreal.

Daqiiqadii 20-aad kooxda Villarreal ayaa hoggaanka u qabatay kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Yeremi Pino, wuxuuna caawin ka helay saaxiibkiis Gerard Moreno.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 87-aad kooxda Real Madrid ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Karim Benzema oo caawin ka helay saaxiibkiis Rodrygo.

Daqiiqadii 90+2 Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay Luka Modric, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Karim Benzema.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dammaatay 2-1 ay Villarreal kaga soo adkaatay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammadii ugu dambeeyay horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale kooxda Atletico Madrid ayaa guul 1-2 kaga soo gaartay Real Valladolid oo ay ku booqatay Estadio Jose Zorrilla, taasoo ka dhigtay in tababare Diego Simeone iyo wiilashiisa loo caleemo saaro ku guuleysiga Horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here