Goolhayihii hore ee Kooxda Barcelona oo geeriyooday, Xilli la la xiriirinayey inuu shaqo ka qabto Blaugrana

0
340

Goolhayihii hore ee Kooxda kubadda cagta Barcelona, Francesc Arnau ayaa geeriyooday.

Kooxda Oviedo ayaa barteeda Twitter-ka warkaan geerida Francesc Arnau ku shaacisay, iyadoo xustay Agaasimaheedii ciyaaraha uu dunida ka tagay isagoo jira da’da 46-sano jir ah.

Goolhayihii hore ee Kooxaha Barcelona iyo Málaga, Francesc Arnau ayaa geeriyooday saakay, iyadoo Real Oviedo ay barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay.

Arnau ayaa ahaa Agaasimaha Isboortiga kooxda reer Asturian tan iyo sanadkii 2019-kii, isagoo horena doorkaas uga hayay naadiga Málaga, waxaana uu geeriyooday isagoo jiray da’da 46-sano.

Arnau wuxuu ka soo bilaabay ciyaarihiisa kooxaha dhalinyarada ee Barcelona, isagoo u soo dallacay kooxda waa weyn kana soo shaqeynayay halkaas saddex xilli ciyaareed intii u dhexeysay 1998 ilaa 2001.

Waxa uu ka tagay Barça sanadkii 2001 si uu ugu biiro Kooxda Málaga, halkaasoo uu ku sii nagaaday 10-kii xilli ciyaareed ee xigay, wuxuu ka mid ahaa xiddiag xulka 21-jirrada ee Spain.

Arnau wuxuu ku biiray Kooxda Oviedo bishii December ee sanadkii 2019 isagoo buuxinayay booskii ay baneeyeen Joaquín del Olmo iyo Michu.

Bishii la soo dhaafay waxaa la isla dhex maraayay in Arnau uu tixgelinayo inuu la shaqeeyo Joan Laporta isla markaana uu qabto jagada xoghayaha Farsamada ee Barcelona, laakiin haatan waaba geeriyooday.

Kaddib markii uu gacmo gashiga iska siibay, Goolhaye Arnau wuxuu bilaabay inuu la shaqeeyo kooxaha dhallinyarada ee Málaga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here