Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka oo farriin u dirtay ra’iisul wasaare ROOBLE {AKHRISO}

0
100

Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya ee la filayo inuu shirka uga furmo Muqdisho inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay dhameystiraan heshiis doorasho.
Qoraal kooban oo xafiiska kasoo baxay ayaa sidoo kale farriin loogu diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo wada-hadalladaas hoggaaminaya, ayada oo loo sheegay inuu haysto taageerada buuxda ee dowladda Mareykanka.
“Hoggaamiyayaasha Soomaaliya waa inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraalkii maalimn kahor ay soo saareen xubnaha beesha caalamka ee madaxda Soomaaliya looga digay inay lumiyaan fursdadan.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka beeesha caalamka.
Magaalada ayaa waxaa weli ka maqan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu soo gaaro maanta oo Sabti ah, waxaana wararku ay sheegayaan in shirka Afrisyooni uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axadda ah ee 23-ka May 2021-ka.
Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.
Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here