Kooxda Manchester United oo mushaharka u laban-laabaysa mid ka mid ah xiddigaheeda khadka dhexe

0
64

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay mushaharka u laban-laabayso mid ka mid ah xiddigaheeda khadka dhexe.

Man United ayaa ka mid ah kooxaha England ee haysta xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican waqtigan, waxaana booska dhexe ay u haysataa Bruno Fernandes, Paul Pogba, Fred, Donny van de Beek, Nemanja Matić iyo kuwo kale.

Haddaba Wargeyska The Sun ayaa daabacay in Kooxda Manchester United ay mushaharka u laban-laabi doonto laacibkeeda khadka dhexe ee Bruno Fernandes xagaaga.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa laacib lagama maarmaan ah ka noqday kooxda Red Devils tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga Sporting.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in mushaharka todobaadlaha ah ee Bruno Fernandes la gaarsiin doono 200,000 oo gini isbuucii, si uu u sii joogo garoonka Old Trafford.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here