Kooxda Chelsea oo go’aansatay inay ku guuleysato tartanka loogu jiro saxiixa Harry Kane

0
73

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa go’aansatay inay ku guuleysato tartanka loogu jiro saxiixa Harry Kane.

Warsidaha Football Insider ayaa warinaya in Kooxda Chelsea ay ka go’an tahay inay gacanta ku soo dhigto oo ay ku guuleysato tartanka loogu jiro weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane.

The Blues ayaa doonaysa inay soo xero geliso 27-sano jirkaan, kaasoo sidoo kale la la xiriirinayo Kooxaha Manchester United iyo Manchester City, waana bartilmaameedka ugu sarreeya suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga oo ay ku tartami doonaan kooxaha reer England.

Kane ayaa la soo warinayaa inuu ku qiimeysan yahay 100 milyan oo gini oo u dhiganta 140 milyan oo dollar, laakiin waxa uu doonayaa inuu isaga dhaqaaqo Spurs, maadaama uu wax koob ah kula guuleysan waayey da’duna ay dabo-hayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here