Kooxaha Barcelona iyo Atlético Madrid oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou… +SAWIRRO

0
57

 Kooxaha Barcelona iyo Atlético Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 0-0 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Barcelona iyo Atlético Madrid ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-bardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Barcelona iyo Atlético Madrid, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Camp Nou, labada naadi Atlético iyo Barca ayaa haatan kaalmaha koowaad iyo labaad ku kala jira sida ay u kala horreeyaan, iyadoo haddii ay Real Madrid bari adkaato ay hoggaanka u qaban doonto horyaalka.

SAWIRRO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here