Horudhac: Barcelona vs Atletico Madrid… (Kulan go’aamin kara horyaalka La Liga oo maanta ka dhici doona Camp Nou)

0
71

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa maanta soo dhoweyneysa dhiggeeda Atletico Madrid ciyaar ka tirsan horyaalka La Liga.

Labadan naadi ayaa qayb ka ah saddex naadi oo ku hardamaya hanashada horyaalka Spain xilli ciyaareedkan, iyadoo Real Madrid ay dhankeeda ka daneyneyso natiijada ciyaartan.

Atletico Madrid ayaa hoggaanka u heysa horyaalka La Liga, waxaana ay leedahay 76 dhibcood iyadoo labo dhibcood ka sarreysa Barca oo leh 74 dhibcood.

Sidaas darteed, haddii ay Barcelona guuleysato ciyaartan waxay fursad u heli doontaa inay ka sara marto kooxda Macallin Diego Simeone hoggaankana ay sii heyso illaa ciyaarta Real Madrid maadaama Los Blancos iyo Barcelona isku dhibco yihiin oo dhanka kulammada fool-ka-foolka ah natiijadooda awgeed ay ku sarreyso Madrid.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain– La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 05:15 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Antonio Mateu (Spain)

Wararka kooxaha:-

Kaliya Philippe Coutinho iyo Ansu Fati oo labaduba dhaawac ka qaba jilbaha ayaa Bacelona ka maqnaan doona ciyaarta galabta, waxaase safkooda dib ugu soo laabtay Martin Braithwate oo seegay kulammadii ugu dambeeyay.

Dhinaca kale, Macallin Diego Simeone ayaa heysta saf taam ah maadaama uu garoommada kusoo laabtay daafaca dadabka bidix ka ciyaara ee Renan Lodi.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Guushii ugu dambeysay ee ay Atletico ka gaartay Barcelona bishii November ee sanadkii hore ayaa ahayd guushii ugu horreysay ee ay kaga gaartay La Liga tan iyo bishii February ee sanadkii 2010.

Barca ayaa la kulantay kaliya halkaas guuldarro 21-kii ciyaarood ee ugu dambeysay oo ay Atletico ku wajahday La Liga, halka Los Rojiblancos aysan wax guul ah ka gaarin dhiggeeda 14-kii ciyaarood ee ugu dambeysay oo ay booqatay waxaana la garaacay 10-jeer iyadoo afar jeer barbarro soo heshay.

Dhanka kale, Barcelona ayaa sanadkan 2021 uruursatay 49 dhibcood iyagoo guuleystay 16 ciyaarood, barbarrana galay hal kulan, halka labo ciyaaroodna dhegta dhiigga loo daray, waxayna muddadaas siddeed dhibcaha ay uruursatay Barca ka badanyihiin dhibcaha ay heshay Atletico oo gaaraya 41 dhibcood.

Atletico Madrid oo laga dhaliyay 22 gool ayaa ah kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga, halka Barcelona oo 80 gool dhalisay ay tahay kooxda goolasha ugu badan dhalisay xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan garoonkeeda ku dhalisay 43 gool ciyaaraha La Liga iyadoo ah kooxda goolasha ugu badan ku dhalisay garoonkeeda, halka Atletico ay ku wanaagsan tahay dhanka difaaca marka ay bannaanka kusoo ciyaareyso waxaana laga dhaliyay kaliya 13 gool.

Lionel Messi ayaa 32 gool ka dhaliyay Atletico Madrid 42 kulan oo uu kaga hor tagay dhammaan tartammada, waana kooxda labaad ee uu ugu jecelyahay kaddib Sevilla oo uu 38 gool ka dhaliyay 43 ciyaarood oo uu wajahay guud ahaan tartammada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here