Koox ka ciyaarta Premier League oo damacsan inay xagaagan la saxiixato Mohamed Salah

0
72

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa shaki badan la gelinayaa mustaqbalkiisa tan iyo markii uu dhowaan sheegay inaysan kooxdiisa kala hadlin arrimo la xiriira heshiis kordhin, sidaas darteed, waxaa haatan saxiixiisa daneynaya qaar ka mid ah kooxaha waaweyn ee ka dhisan qaaradda Yurub.

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay dooneyso saxiixa Salah suuqa xagaagan sida wararka ka imaanaya Ingiriiska ay sheegayaan.

Wargeyska Daily Star ayaa daabacay in kooxda ciyaareysa fiinaalka Champions League xilli ciyaareedkan ay dooneyso inay kooxdeeda kusoo celiso weeraryahanka Masaarida kaasoo horraan waqti ciyaareed adag kusoo qaatay Stamford Bridge.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here