DHAGAYSO:- Maareeyaha Hay`adda Duulista Rayidka oo ka Hadlay Hanaanka Shaqo ee Hay`addu qabatay

0
779

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka e Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey Hanaanka shaqo ee hay’adda tan iyo intii Soomaaliya ay la soo wareegtay Maamulka Guud ee Hawada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay jiraan caqabado badan oo ay wajahayaan taas oo ay ugu horayso sida uu sheegay Sharciga duulista rayidka oo ansixin u baahan shaqooyin badana ay uga xiranyihiin.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay 13-ka bishaan in magaalada Nairobi uu ka dhacayo Shir weyn oo looga hadlayo Maamulka Hawada Soomaaliya iyo waxyaabihii u qabsoomay gaar ahaana la weydiin doono hadii la meel mariyay sharciga duulista hawada Soomaaliya.

Mareeyaha ayaa tilmaamay in golaha shacabku ay ansixiyeen sharcigaan hatana uu horyaallo golaha aqalka sare loona baahanyahay in si deg deg ah loo meel-mariyo hadii kalana maamulka hawada Soomaalliya ay ka tashan doonaan hay’addii horay u maamuli jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here